Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Prof.Jawaari oo diiday in uu kasoo qeybgalo Munaasabad lagu dhaarinayey Taliyaha Booliiska iyo Madaxa Sirdoonka.

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu diiday ka soo qeybgalka Munaasabad  lagu dhaarinayay Taliyaha Ciidamada Booliiska iyo Madaxda Sirdoonka Soomaaliya,Munaasabadaas oo  si kooban loogu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo diiday casumaad u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud isagoo sabab uga dhigay inay luntay nidaamkii wadatashiga iyo qaabka wax qeybsiga beelaha soomaalida.

Maalin ka hor ayaa fadhi ay lahaayan Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Digil iyo Mirifle lagu kala booday.

Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa la sheegay inaan lagala tashan xil ka qaadis lagu sameeyay taliyihii hore Booliska Shariif Sheekhuna.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa isagoo ku qancinaya Maamulka Puntland waxaa uu eriyay Taliyihii Booliska Shariif Sheekhuna isagoo ku bedelay nin ka soo jeeda Gobola Puntland kaas oo kuxigeen u ahaan jiray Shariif Sheekhuna laakiin howlgab laga dhigay xilligii Sheekh Shariif markii Labada Sarkaal isku dhaceen.

Xafladii maanta ka dhacday Madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qeybgalay oo kaliya shaqaalaha Madaxtooyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare halkaas oo lagu dhaariyay Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyed iyo Madaxda Sirdoonka Soomaaliya.

Sidoo kale Xaflada ma uusan imaan Jeneraal Shariif Sheekhuna Maye lamana sheegin sababta u soo xaadari waayay Maamaada Goobta Dhaariska ah laga Doonayya in uu Joogo Jeneraalka Xilka wareejiyay .

DSC08666 DSC08673 DSC08674 DSC08681

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles