Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Faah faahin la Xariirta Qarax Muqdisho ka dhacay.

$
0
0

2Inta La Ogyahay 10 Qof ayaa Ku Geeriyootay halka 20 Kale ay k dhaawacmeen kadib qarax Loo Adeegsaday gaari walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyay Kaasi oo Ka dhacay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka Ismiidaaminta ah ayaa lagu weeraray Gaari uu lahaa Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Sooamaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed inkastoo uusan La soconin Wasiirka Xilliga gaariga Qaraxa Lagu weerararayay balse Gaariga Wasiirka Waxaa Wehliyay Kolonyo Gawaari ah oo ay wateen Wafdi Ka socday Xukuumadda Qadar Kuwaasi oo weerarkaasi Ka bad baaday.

Dadka Ku Geeriyooday Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ayaa U badan dad Shacab ah oo Ku sugnaa Hareeraha Laamiga iyo Kuwa Saarnaa Gawaarida dadweynaha waxaana dadkii ku dhaawacmay qaraxa Loola Cararay Xarumaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho.

Daqiiqado kadib ayaa Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa Soo Buux Dhaafiyay Ciidamo  ka tirsan dowladda Soomaaliya Kuwaasi oo  Muddo Saacado ah Xiray Waddooyinka Soo Gala KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Hodan C/ Max’ud Warsame ( Dhabaneey) oo Goobta uu Qaraxu Ka dhacay Kula hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa Laga soo buuxiyay oo Lagu Weeraray Gaariga Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Wafdi Ka socday Dowladda Qadar isagoona Sheegay in qaraxa ay ku Geeriyoodeen dad Fara badan halka tiro intaasi kabadanna ay Ku dhaawacmeen.

Weerarka Ismiidaaminta ahaa ee Maanta Ka dhacay Muqdisho ayaa imaanaya Xilli Maalinimadii shalay ahayd Ciidanka dowladda Soomaaliya ay Fureen waddooyinka Muqdisho oo Maal Mihii La soo dhaafay Xirnaa Kadib Markii Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay sheegeen in ay Ka war Heleen in Ururka  AL Shabaab in  ay doonayaan in weeraro Ismiidaamin ah ay Ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles