Image may be NSFW.
Clik here to view.War saxaafadeed ka soo baxay Jubaland maanta 04 May,2013 ayaa lagu eedeyey madaxweynaha Somalia inuu jebinayo dastuurka DF , kadib markii uu ku tilmaamay shirka ka socda Kismayo mid aan sharci ahayn.
Warkan ka soo baxay Jubaland ayaa lagu yiri ”Dadweynaha Jubaland ayaa welwel ka muujinaya moqifka DF ay ka taagantahay dhismaha maamulkan ,waxana uu yahay jebin cad oo dasturuka Federaalka ah”.
Tan iyo markii la doortey Xasan Shiikh Maxamuud September 2012 ayaa qoraalkan lagu sheegey shaqada keliya ee xafiiskiisa laga qabto inay tahay arinta Jubaland.
”Madaxweyne Xasan waxa uu si isdabajoog ah u jebiyey dastuurka dalka gaar ahaan qaybta 5aad qodobadda 49 ,50 ,52 ,54 ,15 iyo 142 oo intuba ka mida Dastuurka DF Somalia” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay madaxda Jubaland.
Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay madaxweynaha Somalia mid ka soo horjeeda nidaamka federaalka ah dalka in laga hirgeliyo iyo rabitaanka dadka deegaanka ee ku aadan dhismaha maamul u gaar ah sida ku cad dastuurka.
Hawsha maamul goboleedka Jubaland ayaa bilaabmatay 2011 ,ka hor intaan la ansixin dastuurka DF August 2012 ,waxana laga soo rarey Nairobi oo la keeney Kismayo ka dib markii laga xoreeyey magaaalada kooxda Al-shabaab September2012.