Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Dowlada Israel oo dib u Bilowday Weeraradii Gaza.

$
0
0

Dowlada ISRAEL ayaa dib u bilawday weerarka ay ku hayso Marinka Qaza.

Qarax wayn ayaa laga maqlay xaafado dhowr ah weerarka oo artilari la isticmaalayay.

Masuuliyiinta Qaza ayaa sheegay in saddex falastiiniyiin ah la dilay tan iyo markii weeraka uu dib u bilaabmay.

Xamas ayaa diiday labaatan afar iyo saacadood oo xabad joojin ah waxayna sii wadeen sawaariiqda ay ku tuurayaan Israel.

Waxay sheegtay inaysan joojinayn dagaalka inta ciidamada ISRAEL ay joogaan dhulka Falastiiniyiinta.

Hal askari Israel ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay hoobiye xalay.

In kabadan kun Falastiiniyiin ah, oo inta badan rayad ah ayaa ku dhintay dagaalka tan iyo intuu bilaabmay.

In ka badan afartan Israeliyiin ayaa dhintay oo u badan askar.

Shalay ayay dadka reer Qaza ka faa’idaysteen waqti yar oo la joojiyay dagaalka iyagoo tagay guryahoodii la burburiyay, maydka ayaa wali laga soo bixinayaa burburka.

140727090613_gaza_military_offensive_512x288_epa_nocredit

Source:-BBC.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles