Dagaal u dhexeeya ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa goordhow ka billowday deegaannada dhinaca galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ,balse Weriyeyaasha halkaasi ku sugan ayaa sheegaya in dagaalka uu billowday kaddib markii ay ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba weerareen fariisimo ay maleeshiyada ku lahayd deegaanka Turqato oo 30 km dhanka galbeed uga beegan Kismaayo.
Ma jirto cid ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba oo ka hadashay dagaalka.