Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho kooxda Boko Xaram, si ay u sii deyso gabdhaha labada boqol ka badan ee ay kooxdu qafaalatay, sida uu sheegay wasiir ka tirsan dowladda.
Hoggaamiyaha kooxda Boko Xaram, Abubakar Shekau, ayaa Isniintii sheegay in gabdhaha ay ku badalanayaan maxaabiis ay dowladda ka hayso.
Gabdhaha ayaa bishii lasoo dhaafay laga qafaashay iskuul ay seexan jireen oo ku yaalla waqooyi bari Nigeria.
Qaar badan oo kamid ah Qaraabada iyo asxaabta gabdhaha la afduubay ayaa ka dhex aqoonsaday gabdhahooda muuqaalkii ay sii daayeen ururka Boko Xaram.
Muuqaalka ayaa la tusay qaar ka mid ah qoysaska qabdhahaasi maalin ka hor.
Xukuumadda Nigeria waxay sheegtay in ay sii wadi doonto dariiq kaste oo lagu soo dayn karo isla markaana lagu badbaadin karo gabdhahaasi.
Madaxwaynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa baarlamaanka ka codsaday in ay lix bilood ku kordhiyaan xaaladda deg degga ah ee waqooyi-bari Nigeria ee la soo rogay sanad ka hor.