Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Muran Xoog Leh oo ka dhashay Saami qeybsiga Golaha Wasiirada Puntland.

$
0
0

ka dib markii Gelinkii Dame ee Maanta Lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee Dowlada Puntland ayaa waxa ka dhashay Muran Xoog Leh ,Kaas oo Laga dareemay deegaanada Puntland iyo Guud ahaan Geyiga Soomaaliya.

Muranka ugu Horeeya ayaa waxa uu ka taagan yahay Magacaabista Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland ,iyadoona aan weli Magacaabin Masuulkii noqon lahaa Wasiirka Warfaafinta.

Beesha Dhulbahante oo saami ahaan u leh Wasaarada Warfaafinta iyo Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa Muran Xoog leh waxa uu kasoo kala dhexgalay Shakhsigii Loo Magaacaabi Lahaa Wasaarada Warfaafinta,iyadoona dib loo dhigey Masuulkii Loo Magacaabi Lahaa Wasaaradaasi.

Madaxweynaha ayaa quud daraynaya in uu jagadaasi u Magacaabo Masuul kasoo jeeda Beesha Dhulbahante isla markaasin ay Qurbaha ka wada yimaadeen Madaxweyne Gaas,halka Beeshuna ay Danaynayso  in Jagadaas loo Magacaabo Masuul dalka  ku sugnaa Mudooyinkii Dame isla markaasina Aqoon Dheer u Leh Masuuliyada Xilka dalka iyo dadka loo qabanayo.

Sidoo Kale Waxa Saluuq Xoog leh uu ka Yimid Saami qeybsiga Wasaaradaha,iyadoona ay Beelaha qaar ay Saluugeen sida uu Wasaarada u qeybiyey Madaxweynaha Puntland.

Beelaha Axmed oo ka kooban afar Beelood (Dishiishe-Tiinle-Maganlabe- Gabtaanle) isla markaasina ka mid ah  Beelaha Laf dhabarta u Ah Deegaanada Puntland ayaa ka Mid ah Beelaha Saluugsan Saami qeybsiga Golaha Wasiirada.

Beeshu Waxa ay ka Saluugsan tahay Wasaarada Dekedaha oo Loo Magacaabay C/laahi Jaamac Saalax,iyagoona hoosta ka xariiqay in ay Jagadaasi ahayn Jagadii Beelaha ,Hal Kursina uusan wada qaadin Beelaha Axmed harti.

Beelaha Axmed harti waxa ay xaq u leedahay Wasaarada  Maaliyada ,Wasiirka Waxbarashada , Wasiir ku xigeeno iyo Xilalka  Kale ee Dowlada Sida Laamaha Amniga.

Tusaale ahaan Beesha Majeerteen Waxay heshay Madaxweynaha iyo Wasiiro Aan tiro Lahayn,Sidoo Kale Beesha Dhulbahante ayaa Heshay Madaxweyne ku xigeenka ,Wasiiro ,ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal,Halka Beesha Warsangelina ay heshay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labo Wasiir iyo ku xigeeno dhowr ah.

Sida Sharcigu yahay ma ahan Beesha Madaxweynuhu Kasoo jeedo inay Hesho Wasaaradaha  Maaliyada,Waxbarashada,Amniga ,Caafimaad,Wasaarada Deegaanka  iyo Wasaarada Duulista iyo Garoomada Puntland ,iyadoona ay Beelihii kale ka qatan yihiin Saamigii ay ku Lahaayeen Maamulka Puntland.

Waxa iminka socda Kulamo iyo Shirar Deg deg oo ay Beelaha Axmed Harti  kaga tashanayaan sidii ay Go”aan Midaysan uga qaadan Lahayeen  Maamulka Puntland.
Halkan ka Akhriso Magacyada Liiska Golaha Wasiirada Puntland.

unnamed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles