Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Senate-ka Maraykanka oo oggolaaday weerarka Suuriya.

$
0
0

130903171649_obama_congress_syria_304x171_ap_nocreditXubnaha aqalka Senate-ka ee Maraykanka ayaa oggolaaday qaraar qabyo ah oo u oggolaanaya madaxweyne Obama in weerar uu ku qaado Suuriya.

Qaraarkan waxaa u dhiman in si rasmi ah ay u ansixiyaan golayaasha sharci dejinta ee dalka Maraykanka.

Arrintan ayaa la filayaa in loo codeeyo toddobaadka soo socda.

Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee golayaasha baarlamaanka, John Boehner, ayaa sheegay in uu taageersan yahay tallaabada militeri oo uu madaxweyne Obama doonayo in uu ka qaado Suuriya.

Boehner ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maraykanku farriin digniin ah u diro Suuriya si aysan u adeegsanin hubka kiimikada.

Obama ayaa sheegay in uu doonayo in Suuriya uu ku qaado weerarro kooban oo lagu wiiqayo awoodda ciidammada madaxweyne Bashar Al Asad.

Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa lagu eedeynayaa in hubka kiimikada uu u adeegsaday dadka reer Suuriya.

Laakin qaraarkan qabyada ah waxa uu mamnuuc ka dhigaya in ciidammada dhulka ee Maraykanka loo diro dalka Suuriya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369