Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Injineer Shariif Xuseen oo ka tirsanaa Warbaahinta Dowlada oo Muqdisho lagu diley.

$
0
0

BASTOLADRag hubaysan ayaa maanta isgoyska Maanaboolyo ee magaalada Muqdisho ku toogatay Alle ha u naxariistee Injineer Axmed Shariif Xuseen oo ka mid ahaa farsamayaqaannada wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Injineer Shariif ayaa ka soo shaqeeyay radio Muqdisho, idaacaddii Soomaaliweyn, radio Afrikada Bari iyo Radio Banaadir, isagoo ahaa injineer sameyn jiray taawarrada idaacadaha.

Dilka injineerka waxaa fuliyay 2 nin oo dhallinyaro ah, oo ku hubeysnaa bistoolado.

Agaasimaha warbaahinta dowladda Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al-Caddaala) ayaa dhacdada u xaqiijiyay Warbaahinta .

Al-Cadaala wuxuu sheegay in ay baxsadeen raggii dilka fulisay.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles