Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Dhegayso:-Proff.Cali Maxamed Geedi oo Waraysi Xasaasi ah BBC-da Siiyey.

$
0
0

GeediRa’iisulwasaarihii hore ee Dowladii Federaalka Kumeel  Gaarka aheyd Dr.Cali Maxamed Geedi oo Wareysi siiyay idaacada BBC ayaa eedayn kulul ujeediyay Madaxda Dowlada federaalka ee Somalia.Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dowladu masuul ka ahayd dagaaladii dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Halkan ka Dhegayso Waraysiga Proff.Cali Maxamed Geedi.

Dhismaha dowlada federaalka ah ee Somalia ayuu sheegay Cali Maxamad Geedi in loosoo maray marxalado kala duwan,balse madaxda hada talada haysa aysan waxba dadka iyo dalka u qaban.wuxuna sheegay mar uu tagay Muqdisho inuu kula taliyay masuuliyiintaasi in xaalada dalka laga shaqeeyo balse waxba laga soo qaadi waayay.Eedaymahaan kasoo baxaya Mr.Geedi ayaa waxaa iska fogeeyay dowlada Somalia,wasiir ku xigeenka warfaafinta oo hadlay ayaa sheegay inaysan waxba ka jiran dhamaan eedahaasi,balse warar soo baxaya ayaa sheegaya Geedi iyo rag kale oo ay isku xulufo yihiin inay qorshaynayaan sidii loo dumin lahaa dowlada Somalia.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles