Hadaba ninkan odayga ah ee dagan geeska afrika noloshiisu waa mid aan daganayn oo waa hayaan geedi ah mudo boqolaal sanadood ah ayuu sidaa ku jiraa isagoon marna maankiisa galin war daa shay ee noloshu ma uun RARAAY IYO FURAAY baa? waxaa laga waayay wiil garta iyadoon la guurin in laheli karo biyo iyo baadba.waxaan arkaa anigu in ay naan lahayn hal abuur cusub iyo dad wax odorosa oo fakara oo wax cusub sameeya ama soo kordhiya waxaasoo faa iido uleh dadka iyo dadka soomaaliyeed.
Waa jiraan dad soomaaliyeed oo dagan xeebaha iyo kuwo beera leey ah oo iyaguna aan lahayn wax hormar ah marka laga reebo xabad kaluun ah oo uu ku ilmo korsado in uu bada kala soobaxo ama xoogaa galay ah beerto oo biilka uun aan dhaafsanayn malaha aragti intaa kabalaaran hadaba marka la yiraahdo magaca soomaali guud ahaan waxa badan xoolo dhaqatada reer guuraaga ah ee roob raaca ah. sadexdaa qaybood ee bulshada soomaaliyeed midna hormar kama samayn noloshii uu qarniyaal ku noolyahay. tusaale ahaan ninka xeebta dagan xabad kaluun ah ayuu maalinkii la soobaxaa goonbaartii u joogtay buu u geeyaa dabadeed u shiishaa kadibna hurduu lac yiraahdaa!! barina xabad kaluu soo qabsadaa ninkaani waxa uu garan waayay bal in uu khayraadka badan oo bada laga helo darso oo wax ka ogaado iyo inuu dalka gudihiisa ku fikiro in uu reer guuraaga baro in lacuno kaluunka in uu yahay wax dhadhan leh isla markaana ah hilib!! maxaa yeelay iyagu urtiisay ka cararayaan iyo sida uu u egyahay hadaba haduu bari lahaa si kastaba hayeelee waxa u furmilhaa suuq dalka gudihiisa ah oo layiraahdo suuqa reer guuraaga kaluunka cuna.dhanka kale nin suuq gudaha ah samaysan waayay oo badeecadiisii iib gayn waayay suuqyo dibadeed waxba ka keeni maayo. qarniyaal ayuu ku jiraa naa xabadaa dabka iiisaar khayr hesho intaa waa dhaafi waayay. iska daa luul iyo hawharad uu kala soobaxo bada intaas ayuu dhaafi waayay.
Kanbeeraleeydu waa lamid xoogaa sabuul ah ayaa usoo goda hayeeshee labuu u qaybiyaa qayb uu bakaar ahaan u duugto oo god u qodo si uu abaarta u cuno iyo xoogaa uu xilaa isticmaalo sidaas ayuu qarniyaal ku jiraa.waa garan waayay war ugu horayn saw mar uun ma waynaysid beerta? miyaadan lalagdamida biilka ka korayn?mudul yar iyo dhawr caruur ah oo caloola kuus kuusan ayaad qarniyaal arkaysaa hormar malaha waa halkii. kama sheekayn karo ninka sadexaad ee reer guuraga ah xoolo dhaqatada waayo isagu waaba nin socod dilay oo u dhaxeeya RARAAY IYO FURAAY maba aha nin la xisaabsan karo oo meel dagan sida beeralayda iyo kaluumaysatada xeeb dageenka ah.
Tani waa asalka soomaaliyeed iyo waxa aynu nahay guud ahaan teen waxaad arkaysaa inaynaan lahayn akhyaar inoo fakarta oo samaysa wax cusub oo hormar uleh nolasheena hadaba maxaan u iri dadkii fiqiirka ahaa ee geeska afrika? waxaan ula jeedaa marka la eego dhul ahaan ilaahay waa inoo roonaaday oo dhulku inagama hiilin juquraafi ahaan halka uu dhaco iyo sida uu yahay samayskiisa rabaaniga ahi. dhulkeenu waxa uu leeyahay laba badood,waa dhul leh buuro,wabiyo biyo qulqulayaan,biyo,dhul leh cimilo labeeri karo sanadka oo dhan.khayaradka xoolaha,khayraadka bada,khayraadka wabiyada iyo beeraha hadaba dhul ahaan waa dhul qani ah faqrina ka dheeryahay.
Dhanka kale dadka soomaaliyeed gaajo ayay u dhintaan qarniyaal ilaa hada sababtuna waxaa weeye jahli oo kaliya oon ula jeedo qofkiibaa faqiir ah maskax ahaan maxaa yeelay mayaqaan siduu dhulkaa uugu noolaan lahaa oo waxa kamaqan sida loo noolaado oo dhulka dushiisa loogu noolaado waxna lagala soobaxo haday ahaan lahayd beer ama bad ama xoolo dhaqasho mahayno qaab loo maareeyo oo looga sameeyo nolal tani waxay keentay in gaajo huf inooga dhigtay dhulkaa barwaaqada ah dushiisa.
Faqiirnimada xaga aqliga iyo ilbaxnimada ah ee ina haysataa waxay keentay in wadan aan awoodin in ay wax beertaan mudo kabadan 3 bilood dalaga ay beertaan mudadaas ay si bini aadnimo leh inoogu soo gurmadaan oo wax inaga siiyaan ah mucaawino tanoo ka dhaxaysa aadanaha.cimilada wadamadan oo baraf ah ayaan usaamaxayn in beer banaan uga baxdo halka inaga cimiladu inoo samaxayso sanadka oo dhan. qofka soomaaliyeed haduu hortiisa u dhaqaaqo waxa soo celinaysa bada taa macnaheedu waxaa weeye tula kastaa heeb bay leedahay intay doonto ha u jirtee taasoo ay dhex ceegaagto kaluun iyo nicmo badan oo loo iib gaynkaro dalka gudihiisa iyo dibadiisaba qofkasta oo soomaaliyeedna ka dhigi karta qof nool oo hantiile ah. waxaad arkaysaa magaalo nin cayrsanaysa habar iyo oday gabar iyo wiil? waxay u cayrsanayaan isagaa magaalada ka qadeeya sida SIILAAYO,Dr Abdirahman faroole,XASAN SH. iyo wixii lamid ah.
Waxaad arkaysaa in dadka qaar layaaban yahay mudug oo canbo kasoo baxayo iyagoo aan iswaydiin maxaa udiidaya ileen dhulku in laga shaqaysto ayuu doonayaa ee in lagu dul bakhtiyo uun maha.meel walba waxaa laga beeri karaa wax kaasoo ku haboon meel aan wax lagu beeri karin majirto ee waxaa kala duwan uun.xag umalaha qof soomaaliyeed inuu gaajo u dhinto ama ku noolaado isagoo leh dhulkaa barwaaqada ah waana nasiib xumo dhaxal ah oo fog.dadku waa inay dhulkooda aaminaan ogaadaan in isaga oo wax lagala soo baxo lagu baahi beelo adoon dibada iyo shisheeye gacan u hoorsan una haqaltaagin dad aadame ah oo kula siman waxay kusiiyaana ku soo saaray rafaad iyo dhididkooda taasoo aad si ka dhibyar adba uula soo bixi karto oo iyaga aad u saacidi karto goortaad dharagto.
Aqoon la aanta ayaa aabe u ah aqliyaraanta inagu kaliftay in aan waxba hindisi wayno oo noolaan kari wayno,balaayo waxay dhacday ninkii garan waayay si loo noolaado oo nolashii la soobixi waayay oo hadana dagaal galay oo gamta iska suray waxaa adag in uu garto nabad madaama uu faqiir yahay xaga caqliga.gaalo iyo muslimba waa ku wareereen faqiirkaa dagan geeska afrika.
Hadii qof soomaali ahi isku dayo in uu wax cusub keeno markiiba col baa lala noqon waana laga hor iman tusaale 22 sanadood ee dalkeenu dawlad la aanta yahay hal mar baa la hindisay fikir cusub oo waxaa lahaa fikirkaa SICIID DIIRIYE oo sheegay xalka soomaaliya in uu yahay caasimada oo labadalo si loo helo meel dawlada aan cidina ilaalinaynin shisheeye ahi oo amaan ah si dawladu ugu shaqaysto oo baarlamaanku si xor ah ugu shaqeeyo oo wasaaradihii shaqeeyaan waana lahayaa magaalooyin amaan ah oo ku yaal dalka soomaaliya sida SICIID sheegay waxa kamid ah CEERGAABO ama magaaladii kale ee loo arko ileen dhulka aynu leenahay soomaaliyeey waa isku mid ee. tani waxay keentay in ilaa hada wax rajo ah aysan lahayn soomaali dawlad iyo wax xataa u dhawna aanay jirin muuqana madama dadkuba garan layahay war aynu aaga badalano oo dajino dawlada meel ay ku shaqayso maxaa dhacaya ma xaga alle ayaa laynooga caroon oo mogdisho maxaad ubadalaysaan ayaa layna oran? ma qabiil baa iskaleh oo caroon oo loogafay miyaa? maxaa inoo diiday qaadashada fikirka cusub ee xalka inoo ah? maxaynu udoonaynaa waxaan xal u ahayn dadkeena iyo dalkeena?
Hadaba dhibku waa kan korkuxusan oo ah manaqaan sida loo noolaado iyo isbadal midna.jaahilku markuu maqlo wax cusub dabadiisaa laga tiraa xaar!!! haranti iyo buuq iyo dagaal buuna kiciyaa isagoo ka cabsanaya waxaas cusub ee uusan aqoon.sida hada madaxwaynuhu xasan sh. uga cabsado fadaraalka iyo sida puntland uga cabsatay inay xisbiyo u gudubto iyagoo hada weheshanaya kuna xiiqtirtay nidaamkii kaligii talis oo iska daystay aayar oo gibin ah waxoodaas ay yaqaanaan!!! 66 daa oday yaan layga wadin bay dhaafi wayday hormakii baa laga cabsanayaa.waxaana leeyahay waxba kama qabno hadii hada talo laysku raacay lagu socdo balse waxaan leeyahay shan sano oo soosocota inagu filan inaan ku naxdin goyno markaa war bal hala dhiirado oo haloo tafo xayto in laguurayo oo xisbiyo looguurayo ilaahay idamkiis.
DHanka kale waxaad ogtihiin in aduunyadu hada bilawday dardar cusub oo dhul doon ayadoo kuwa caqiidada xumi ay ka walwalayaan biyaha iyo dhul beerashada iyo dagaankoo kuyaraanaya ilma aadan. tanaa keentay in afrikada dihin 1960 laga soo baxay dib loogu noqdo oo waxay haystaan asii aysan garanayn sida loo cuno in laga qaato oo loocuno madama kolay bay yiraahdeen dadka dhulka iska lihi ay u dhimanayaan gaajo iyo macaluul sow mahaboona in loo daayo kan garanaya in uu ku noolaado waxna kala soobaxo.waxad arkaysaa in hada shirkado reer galbeed ay si horar ah u dul taagan yihiin soomaaliya ayagoo raba inay ka faa iidaystaan oo maal gashadaan dhulkaan dihin iyagoo silig u oodaya kii lahaa dhulkaan.wax wayn bay ahaan lahayd in ay la sheeraan oo wax kasiiyaan kiilahaa dhulka oo lakala faa iido laakiin ma dhacayso maa daama ninka dhulka lihi uusan garanayn waxa nolali tahay markaa bay yiraahdeen xaq umalaha heshiis laakiin afrikada soo jeeda ee baraarugsan waa lala heshiinayaa sida eihtiopia iyo kenya waayo nolal bay rabaan waa soo jeedaan balse madaxwayne hasan iyo guud ahaan somaalidu dalkooday hadiyad ubixinayaan iyagoo dadka u dhashay dalka aan waxba laga siin wixii laga helo dalka markaa xalkeenu maba qurxoona haduu sidan kusii socdo. dalkaan cuni waynay waa laynoo cunayaaye hala adkaysto.
Waxaan ku soo gunaanadayaa soomaaliyeey walaalayaal 3 wasaaradood ama xirfadood xooga halasaaro oo halala kaashado cidwalboo wax na dhaanta waa xirfada beeraha,kaluumaysiga,dhaqshada xoolaha sida loo maareeyo.hala furo isguulo aad u tira badan oo lagu barto 3 daa xirfadood halka dugsiga sare inagu badan yahay kaasoo qofku uusan shaqaysan karin markuu kasoobaxo ilaa uu jamacad galo oo uu kasoobaxo.dadkuna shaqo ahaan ardada dhamaysa xirfadahaas halugu maal galiyo qalab beero iyo mid bada ah iyo mid xoolo dhaqad cilmiyaysan ah maha FURAAY IYO RARAAY!! kun sano soosocotay.
Dadka maamulada haya ayaa laga rabaa iyo ganaacsatada inay fikirkaan u istaagaan si ay iyaguna uga nastaan daba oradka lagu hayo.sida PUNTLAND,SOMALILAND,JUABALAND.
soomaaliya xaq umalaha shacabkeedu inay gaajoodaan sidaa daraadeed waa in lawaayaa qof soomaali ah oo kunool dhulkiisa oo baahan laftigeedu waa fikir cusub balse maha in aynu ku baraarugi wayno oo qaadan wayno oo ka hor imaano madama loo danaynayo qofkasta oo soomaaliyeed in uu helo cunto uu cuno iyo biyo uu cabo madama uu san hada haysan tanoo keentay dagaal aan dhamaad lahayn sidaas ayaan wax urkaa.
Yuusuf Omar Mashruuc5@hotmail.com