Xaalada Togga Suuj ee Gobolka Nugaal ayaa ah mid degan, kadib markii saakay dagaalo goos goos ahaa oo u badnaa madaafiic ay ka dhaceen, waxaana muuqata in howl galka Ciidamada Puntland ka wadaan aaggaas uu sii adkaanayo marka loo eego halka lagu dagaalamayo.
Saraakiisa ammaanka Puntland ayaa sheegay in dagaalka ku soo afjarayaan 72-saacadood, balse wali ma muuqato saan saan muujineysa in dagaalyahanadii Shabaabka ahaa ee aaggaas gaaray maalmo ka hor in laga itaal roonaaday, waxaana ay dib ugu sii guranayaan goobo ay adag tahay in laga saaro ama si sahal ah loogu galo.
Ciidanka Puntland ayaa sheegay inay hareereeyeen Togga Suuj oo ah goob dhagxaan iyo godod leh, waana meel istiraatiiji ah oo leh biyo, sida muuqata dagaalyahanada Shabaab ayaa ku sii tala galay in goobtaas muddo ka dagaalamaan, madaama cidii gasha aanan loogu geli karin.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalada tahay mid degan, balse saakay subixii la maqlayay madaafiic ciidamada Puntland ku garaacayeen aaggaas.
Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland dagaalkii maanta, balse labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Mas’uuliyiinta Puntland waxay si joogto ah warbaahinta ugala hadlayaan dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo gulufka dagaal ee Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanada Puntland.
Dhinaca kale waxaa iyana ah mid degan duleedka deegaanka Godab-jiiran, halkaasoo ka mid ah meelaha ay gaareen dagaalyahanada Shabaab, waxaana hadii ay halkaas uu dagaal ka bilowdo ayaa noqon doonta aagg kale oo dagaal u furmay Ciidamada Puntland.