Saraakiisha Ciidamada Difaaca ee Somaliland ayaa digniin adag udirey Maamulka Puntland gaar ahaan Maamulka Gobolka Nugaal oo Dhul Ballaarsi ka bilaabay Deegaanada Degmada Boocame ee galbeedlka Magaalada Garoowe.
Saraakiil Kasoo Jeeda Gobolka Sool iyo Degmada Boocame ayaa Digniin adag udirey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane.Faraweyne,iyagoona sheegay hadii uu Joojin Waayo Dhulbalaarsiga uu deegaanada Degmada Boocame uu ka wado inay Weerar ku Qaadi Doonaan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Dhul Balaarsi kan la Mid ah ayaa Maamulka Puntland gaar ahaan Beesha Madaxweyne Gaas Ayaa Waxa uu ka Socdaa Deegaanka Xangay ee Hoos Yimaado Degmada Waaciye,halkaas oo ay Mudo labo bilood ah ay Isku Hor Fadhiyaan Labo Ciidan Beeleed oo kasoo kala jeeda Degmooyinka Waaciye iyo Qardho.
Halkan Hoose ka Daawo Digniinta Reer Sool ee Puntland ku Aadan.