Waxa Gelinkii Hore ee Maanta Degmada Isku shuban ee Gobolka Bari lagu dilay odayaal Dhaqameed kasoo jeeday Degmada Qandalla ee Gobolka Bari.
Dilkan ayaa waxa ka danbeeyey Malayshiyo Hubaysan oo kasoo jeeda isla Degmada Isku Shuban,kuwaas oo goobta ay wax ku dileen ka baxsaday.
tirada odayaasha la dilay ayaa lagu sheegay Labo Ruux,iyagoona ay halkaasi u tageen Dhexdhexaadinta Dilal Hore oo deegaanka ka dhacay,kuwaas oo u dhaxeeyey Beelaha Cismaan Maxamuud iyo Calisaleebaan.
Maamulka Gobolka Bari ayaa dadaal xoog leh ugu jira Xalinta iyo Qaboojinta dhacdadan Foosha Xun ee Gobolka Kusoo Korortay.