Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Mudane Cabdixakiin C/laahi Camey oo galabtay shacabka Puntland qudbad u jeediyay ayaa taabtay dhinacyo kala duwan oo xasaasi ah.
Mudane Camey ayaa ugu horeyntii diirada saaray arimaha gudaha iyo maamul wanaaga, waxaana uu tilmaamay in kormeerkii ugu horeeyay ee Madaxda sare ee Puntland ay maanta fuliyeen, isla markaana ay soo arkeen waxyaabo wanaagsan iyo wax aysan u bogin kadib markey soo booqdeen Wasaaradaha Puntland, hase yeeshee sii wadi doonaan kormeerada noocana oo kale ah ay ku tagayaan xarumaha dowlada, si ay uga dgabeeyaan balaqaadkii ay u sheegeen dadweynaha xiligii doorashada.
Madaxweyna ku xigeenka Puntland ayaa mar uu soo hadal qaaday xiisadaha sii kordhaya ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, ayuu tibaaxay in beesha caalamka ay ka war heyso xiriirka adag ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo maamulka somaliland, kaas oo ay isku hadaf kawada yihiin sidii loo wiiqi lahaa shacabka iyo dowladooda Puntland.
Camey ayaa hoosta ka xariiqay in ay gacanta ku hayaan cadaymo cad cad oo muujinaya in dagaal yahniinta Al-Shabaab lagu tababaro magalada Burco, isla markaana madaxa ugu sareeya kooxdaaasi Axmed Godane uu had iyo goor yimaado magalada Hargaysa, ayadoo sacodkiisii ugu danbeeyay uu ku yimid hargeysa ay aheyd markuu kasoo qeyb galay duugtii Hoyadiis oo Hergeysa ka dhacday.
Hadalka Puntland ayaa ah mid ay aaminsanyihiin shacabka Puntland, waxaana indhaweynto la isla dhex marayay magaalooyinka Puntland suu’aalo ay ka mid yihiin.
Labada xaas ee Axmed Godane mar hadey sanad walba dhalaan, goormuu u yimaadaa oo ay ureystaan xaasaska, haduusan Hargeysa imaan?