Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo si Caro Leh Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho shalay uga dhoofay.

$
0
0

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska oo shalay diyaarad gaar ah ay ka qaadi laheyd garoonka diyaaradaha aadan cadde ayaa si caro leh uga haray.

Warar ay heleyso Raadreeb.com ayaa sheegaya in diyaarada uu raaci lahaa Taliyaha oo aheyd kuwo UN-ka leeyahay ee qaada saraakiisha iyo shaqaalaha sama falka ee isaga kala goosha gobolada dalka ayaa waxay aheyd inay geyso magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Hase ahaatee intii aanay taas dhicin ayaa Taliyaha iyo saraakiishii la socotay oo damcay inay diyaarada raacaan waxaa is hor-taag ku sameeyay niman cadaan ahaa oo la sheegay inay ahaayeen kuwo qaabilsan ammaanka hey’adaha qaramada midoobey iyo diyaaradaha ku buufsan astaanta UN-ka ee isugu jirta kuwo Helicopter-ka iyo Focker-ka.

Nimankan cadaanka ayaa weydiistay Taliyaha iyo saraakiisha in la baaro, inta aysan korin diyaarada, balse waxaa arrintaas aad uga carooday Jen. Saacid oo u sheegay in isagu yahay Taliyihii Booliska, isla markaana la baari doonin.

Hadalo muran ay is dhaafsadeen labada dhinac oo muddo daqiiqado socotay ayaa aakhirkii keentay inay ku adkeestaan saraakiishii cadaanka ahaa in hadii aan la baareyn aysan diyaarada raaceyn, iyadoo Taliyuhu iyo Saraakiisha ay diideen, kana baaqdeen diyaarada.

Intaas kadib ayaa Taliyaha Booliska iyo saraakiishii la socotay waxay raaceen diyaarada Juba Airways dad rakaab ah u waday magaalada Galkacyo, iyadoo nasiib wanaagna Taliyaha iyo saraakiisha ay ka heleen kuraas banaan.

Waxaa la sheegay in Taliye Saacid oo ka soo jeeda Puntland uu doortay in bedelkii diyaarada UN-ka lagu ihaaneysan lahaa inuu raaco diyaarad Galkacyo u socota, baabuurna uu uga sii gudbo magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa u xaqiijiyay Raadreeb.com in Taliyaha oo markiiba hore uu garoonka soo galayay, aan la baarin uu ka carooday in bartanka garoonka dhexdiisa meel diyaarada u jirta afar talaab in lagu baaro.

Madaxda dowladda Soomaaliya, wasiirada, xildhibaanada iyo saraakiisha ayaa xilliyada ay ka dhoofayaan garoonka wax baaritaan la marsiin, waxaana ay si toos u aadaan qeybta gaarka ee VIB-da loo yaqaan oo ay ku sugaan diyaarada.

saacid5


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles