Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Qaraxyo miino oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM Muqdisho lagula Eegtay.

$
0
0

downloadQaraxyo miino ayaa maanta si kala gaar gaar ah waxaa lagula beegsaday ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, iyadoo la soo sheegayo in qaraxyadaas ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegayaa wararka qarax miino oo kuwa meelaha fog fog laga hago ayaa barqadii maanta waxaa nawaaxiga Ex kootarool Balcad lagula eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Dad goob joogayaal ayaa sheegaya in lix gaari ay la socdeen AMISOM oo ka yimid dhinaca Xerada Maslaxa qarax miino lala eegtay inta u dhaxeysa Ex Koontarool Balcad iyo warshadii Baastada.

Sidoo kale qarax qasaare dhaliyay ayaa waxaa inta u dhaxeysa Labaajadii Mahada Alle iyo biya dega Carafaat ee degmada Yaaqshiid lagula eegtay gaadiid dagaal ay wateen Ciidamada dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa miino kadib bambooyin lagu tuuray gaari kale oo ay ka soo degeen ciidamo, markii qaraxa miino lala eegtay, waxaana la sheegay in rasaas ay fureen.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxyada iyo rasaasta daba socotay, halka tiro aan la cayimin waa ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraa askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xasan Jurus oo warbaahintu xiriir la sameysay ayaa xaqiijiyay qaraxa, balse ma aanu faah faahin, waxaana wadadaas mar dambe xiray ciidamada dowladda.

Wadada Warshadaha ayaa dhowkii maalmood ee u dambeeyay waxaa qaraxyo miinooyinka dhulka hoostiisa la geliyo lagula eeganayay gaadiidka ay wataan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles