Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Warbixin Safarkii Wafdiga Madaxweynaha Puntland (Sawiro+Cod).

$
0
0
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, waxana garoonka Aadan Cadde ugu yimid Ra’iisal wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dowladda Federaalka ah.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland horkcayo ayaa u tagay Muqdisho ka qaybgalka Aaska AHN Ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo lagu wado beri in lagu duugo duleedka Muqdisho.
Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan, xildhibaaano, Wasiiro, Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Musee, Issimo, salaadiin iyo rayid ayaa ku wehelinaya madaxweynaha safarkiisa, waxana uu kulan is bariidin ah ugu tagay Madaxweynaha Somalia iyo gudoomiyaha Barlamanka.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa booqasho kooban ku tagay safaarada Turkiga ee Muqdisho, waxana qado sharaf ku martiqaaday safiirka Turkiga Mr. Touran.
Ka dib intaas ayuu dhamaadkii Dr. Cabdiweli Gaas ka qaybgalay xaflad qaddo sharaf ah uu u fidiyay wafdiga Puntland Ra’iisal wasaaraha Somalia gurigiiisa, halkaasi oo laga jeedshay khudbaddo u badnaa taariikhda marxuumka iyo ujeedka socdaalka Wafdigan.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa xusay in safarka wafdigiisa kooban ay ku yimaadeen Muqdisho ujeedkiisu yahay ka qaybgalka aaska Marxuumka, islamarkaasina meesha ka saaray inuu xiriir la leeyahay arrimo siyaasadeed.
Caawa ayaa waxa xarunta Madaxtooyada casho sharaf wafdiga Puntland ku martiqaaday madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.
-Dhamaad-
IMG_0037 IMG_0041 IMG_0044 IMG_0051 IMG_0054 IMG_0057 IMG_0060 IMG_0065 IMG_0071 IMG_0077 IMG_0098 IMG_0108 IMG_0109 IMG_0111 IMG_0117 IMG_0120 IMG_0127 IMG_0134 IMG_0143 IMG_0146 IMG_0147 IMG_0168 IMG_0011 IMG_0015 IMG_0017 IMG_0020 IMG_0026 IMG_0030 IMG_0034

Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles