Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Khilaafkii u dhaxeeyey Garsoorka,Baarlamaanka iyo Xukuumada cusub ee Puntland oo Cirku isku Shareeray.

$
0
0

Kulamo caawa xarunta Madaxtooyada si gaar ah ugu yeesheen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa looga wada hadlay khilaafka u dhexeeya golaha Garsoorka iyo Baarlamanka Puntland ee salka ku haya dacwada Maxkamada sare kasoo gudbisay 14 Xillibaan oo uu ka mid yahay afhayeenka baarlamanku.

Kulanka oo dabo socday kulamo la isku fahmi waayey oo galinkii danbe ee maanta dhex marey Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa , Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa si gaar ah Gudoomiye Siciid Xasan Shire uga codsadey Madaxweyne Prof Gaas inuu kala diro golaha garsoorka oo uu u arko Gudoomiyaha baarlamanku mid caqabad ku ah shaqada baarlamanka, madaama xubno uu ku jiro warqad dacwad ah oo ka timid beelaha ay u matalayaan kuraasta baarlamanka uu usoo direy todobaadkan Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Puntland.

Madaxweyne Prof Gaas ayaa ka war wareegey inuu aqbalo codsiga uu usoo gudbiyey Afhayeenka Baarlamanka Puntland , balse waxa uu kula taliyey Madaxweynuhu , Afhayeenka Baarlamanka sida ay Dunidaonline.com u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ka agdhow labada masuul  in maalinta sabtida uu diyaariyo Afhayeenka baarlamanku qorshe baarlamanka loogu fariisinayo sidii ay xasaanada ugala noqon lahaayeen Golaha Garsoorka , markaas ka dibna ay u fududaan karto Madaxweyne Gaas inuu  soo saaro dikreeto lagu kala dirayo garsoorka oo hada mudadoodii jiritaanka ay u harsan tahay sanad iyo bar.

Wararka soo baxayey 24 saac ee lasoo dhaafey ayaa tilmaam buuxda ka bixinayey khilaafka cusub ee u dhexeeya Madaxda sare ee saddexda gole ee Dowlada Puntland oo isagu salka ku haya  kala aragti duwanaansho ku saabsan dacwad kusoo oogista  14 Xillibaan oo beelo dega Puntland Maxkamada sare u gudbiyeen dacwadooda ka dib markii ay ku eedeeyeen beeluhu xubnahaasi inaysan sifo sharci ah iyo kalsooni beel midna ku fadhin kurasta baarlamanka Puntland.

Maanta oo lagu waday inay magaalada Garowe ka qabsoonto munaasabadii dhaarinta golaha wasiirada cusub ayaa baaqatey sababo la xiriira  khilaafka jira ka dib markii ay soo xaadiri waayeen madashii lagu balansanaa inay ka dhacdo munaasabada dhaarintu garsoorayaashii Wasiirada dhaarin lahaa, ilaa iyo hadana lama garanayo inta ay le,eg tahay mudada dib u dhacu uu ku yimid dhaarinta golaha xukuumada Puntland.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland ayaa todobaad ka hor u direy Gudoomiyaha Baarlamanka warqad uu ku cadeynayo dacwada laga soo gudbiyey 14 Mudane oo ka tirsan Baarlamanka Puntland  si uu uga jawaabo,waxaana taas bedelkeeda ka dhashay khilaaf xoogan oo dhex dhasha labada Gudoomiye ee Baarlamanka iyo Maxkamada sarre.

Xubno ka socda Odoyaasha beelaha qaar ee Puntland dega oo ay qeyb ka yihiin Issimo ayaa abaabul xoogan ugu jira sidii ay garsoorka usoo istaajin lahaayeen 14 mudane ee lasoo dacweeyey, waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan in khilaafka Gudomiyaha baarlamanka iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo ah masuulka u sareeya golaha Garsoorka ama Cadaalada Puntland uu soo saareen warqad waaran ah oo ka dhan ah Afhayeenka Baarlamanka.

Waxaana sida hadda muuqata khilaafka labada dhinac kusoo biirey Madaxweynaha oo isagu la garab ah dhanka golaha sharci dejinta ee Baarlamanka , iyadoona dhawaan la xasuusto markii uu Madaxweyne Gaas hadal uu ka sheegey caasumaadii uu u fidiyey Baarlamanka Puntland oo uu kaga hadlay Madax banaanida golaha garsoorka uu ku sheegey inaysan faro galin doonin, ayaa moodaa inay taasi meesha ka baxdey marka loo eego faro galinta qaawan ee golaha Garsoorku ku eedeynayaan Madaxweynaha inuu ku hayo , iyada oo sanad iyo bar u harsan tahay waqtigoodii golaha Garsoorku.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa kulankii uu la yeeshey maanta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ugu jeediyey codsi faraya inaysan dhowraan madax banaanida golaha garsoorka islamarkaana aysan soo faro galin arrimaha garsoorka ee hadda taagan oo qeyb ka ah shaqada goluhu u madax banaan yahay inuu u qabsado si cadaaladi ku dheehan tahay.

Soo shaac bixida Khilaafka ayaa imaanaya iyada oo muddo yar laga joogo isbedelkii ka dhacay Puntland ee lagu doortey Madaxweynaha, ku xigeenkiisa, iyo Gudoomiyaha Baarlamanka, waxaana dadka qaar hadal haya khilaafka cusub ee soo shaac baxay ku fasirayaan inuu sababi karo sidii, midkii Puntland ka dhacay 2001-dii ee u dhexeeyey Madaxweynihii hore Alle ha u naxariistee Col Cabdulahi Yusuf Axmed iyo Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Xilligaas Yuusuf Xaaji Nuur.

Lamase oga halka uu saldhigan doono ama natiijadiisu ku danbeynayso khilaafkan oo hadda u muuqanaya mid aragti duwanaansho xoogan ka dhex abuurmey Madaxda sare ee curdanka ah  ee hogaamin doonta Puntland shanta sano ee soo socota, iyadoona taasi xal ay saddex dhinac ee hormuudka u ah goloyaasha dowlada uu dariiq  muhiim ah u yahay qancinta Odoyaasha beelaha gal dacwadeedka ay ka yaalaan Maxkamada sare ee Puntland.

146


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles