Golihii Wasiirada Soomaaliya ayaa la Goordhowayd La Magacaabay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa caawa ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada, kadib munaasabad daahday oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada.
Ku dhawaaqista Golaha Wasiirada oo muddo saacado la sugayay ayaa qarka u saarantay inay dib u dhacdo, kadib markii uu is mari waa dhex maray Madaxda dowladda.
Ra’iisul Wasaare C/wali ayaa Golihiisa Wasiirada mid mid ugu Akhrinayay munaasabada xilliga dambe ee caawa ka dhacday Madaxtooyada, iyadoo aanu goob joog ka aheyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
1-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare
2-Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
3-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
4-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle
5-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed
6-Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase
7-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin
8-Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed
9-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
10-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
11-Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
12-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
13-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil
14-Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
15-Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
16-Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali
17-Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed
18-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur
19-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
20-Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
21-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow
22-Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar
23-Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
24-Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud
25-Ku Xigeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.