Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Dowlada Puntland oo si weyn u Canbaaraysay qaraxii lala eegtay Axmed Madoobe.

$
0
0
Dowladda Puntland Waxay Si Weyn u Cambaaraynaysaa Weerarkii  Isqarxinta oo lagu Qaaday Madaxweynaha JubalandWAR SAXAAFADEED
12 September 2013

Dowladda Puntland waxay si weyn u cambaaraynaysaa weerarkii isqarxinta ahaa oo lagu qaaday kolonyo gadiid ah oo galbinaysay Madaxweynaha  Jubaland Shiikh Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe) isagoo jooga magaalada Kismaayo.

Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Maamulka iyo Shacabka Reer Jubaland iyo qoysaskii iyo ehelladii dadkii ku  waxyeeloobay weerarkaas waxshinimada ahaa oo ay mas’uul ka tahay kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab, waxaana weerarkaasi ku dhintay kuna dhaawacmay askar iyo shacab intaba.

Madaxweynaha Jubaland wuu ka badbaaday weerarkaasi oo ahaa iskuday  kale oo lagu waxyeelaynayo degenaanshaha iyo nabadgelyada Soomaaliya,  iyadoo la bartilmaameedsanayo madaxda dalka.

Himilada Puntland iyo shacabka Soomaaliya waa in laga gudbo caqabadaha  hortaagan nabadgelyada dalka Soomaaliya in si loo gaaro nabad waarta,  xasilooni iyo horumar.

— DHAMMAAD —

hqdefault

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles